Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland ayaa amar ku bixisay in dhammaan ajaanibta ku sugan gudaha ay iska diiwaangeliyaan laamaha socdaalka muddo saddex usbuuc gudahood ah, laga bilaabo 6 May 2025 ilaa 26 May 2025.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii wasaaraddu ay hore u soo saartay warqad 29-kii Abriil 2025, taasoo lagu amray in ajaanibta aan haysan sharciga joogitaanka Somaliland ay ka baxaan muddo saddex maalmood gudahood ah.
“Waxa la farayaa dhammaan ajaaniibta inay iska diiwaan geliyaan laamaha waaxda socdaalka Somaliland muddo saddex usbuuc gudahood oo ka bilaabmaysa 6/5/2025 kuna dhammaanaysa 26/5/2025. Qofkii is diiwaan geliya waxa la siin doono ogolaansho ku meel gaadh ah” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda Arimaah gudaha Somaliland.
Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay ajaanibta doonaysa in ay dib ugu laabtaan dalalkooda muddada ay socota diiwaangalinta ay iska bixi karaan, iyada oo aan laga qaadayn wax qarasha ah.
Ugu dambayn, wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono ajaanibta aan iska diiwaangelin muddada la siiyay, taas oo ka mid ah dadaallada lagu xaqiijinayo ammaanka gudaha, kala dambeynta iyo la socodka muwaadiniinta ajaanibta ah ee Somaliland ku sugan.
HBN ONLINE TV