Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday go’aan ay ku taageertay Mareykanka, kaddib howlgal ay ciidamada dalkaasi ay shalay ku soo qabteen madaxweynihii Venezuela Nicolas Maduro.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo ay baahiyey wasaaradda arimaha dibadda ayaa lagu sheegay in Somaliland ay mowqif cad ka qaadatay arrintan, isla markaana ay la safan tahay Mareykanka, iyada oo taageeraysa tallaabooyinka caalamiga ah ee si miisaaman loo qaadayo si loo ilaaliyo waxay ugu yeereen “nidaamka dastuuriga ah iyo sarreynta sharciga” ee dalka Venezuela, looguna gogol xaarayo kala-guur nabadeed oo ay hoggaaminayaan shacabka reer Venezuela.
“Somaliland waxay xaqiijinaysaa in ay mabda’a ahaan la safan tahay dowladda Mareykanka si loo taageero ilaalinta sharciga iyo dastuurka Venezuela – loona fududeeyo isbeddel nabdoon oo ay dadka Venezuelanku hogaamiyaan” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Waxaa xusid mudan in dalka Venezuela uu ka mid ahaa waddamadii hore u muujiyay mowqif ka soo horjeeda aqoonsiga Somaliland, arrintaas oo falanqeeyayaal badani u arkaan mid saamayn ku leh xiriirka siyaasadeed ee labada dhinac.
HBN ONLINE TV

