Hay’adda Socdaalka ee xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay siyaasadd cusub oo lagu adkaynayo habraaca socdaalka iyo dadka soo galaya deegaannadooda, gaar ahaan kuwa ka soo degaya garoomada diyaaradaha Hargeysa iyo Berbera.
Hab-raacan cusub ayaa dhigaya in qof kasta oo doonaya inuu soo galo gudaha Somaliland ay qasab ku noqayso inuu haysto baasaboorka aan ka yarayn dhicistiisa lix bilood.
Sidoo kale, dadka socdaalka ku imanaya ayaa looga baahan yahay inay haystaan tigit labaasho ama caddeyn muujinaysa socdaal kale, iyo in ay muujiyaan dhaqaale ku filan muddada ay Somaliland ku sugnaan doonaan.
Shuruudaha kale ayaa dhigaya in qofka safarka ku imanaya Somaliland uu haysto ballan hore oo hoteel gudaha ah ama cid lala xiriiri karo. Si kastaba ha ahaatee, dadka asal ahaan Soomaali ah ama qurba-joogta Soomaalida ah lagama rabo caddeynta dhaqaale iyo tigit labaasho.
Intaa waxaa dheer, dadka soo degaya Somaliland waxaa ku waajib noqon doonta inay bixiyaan lacagta fiisaha gelitaanka, taas oo lagu bixin doono goobaha rasmiga ah ee ay deegaannada ka soo galaan.
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in siyaasaddan cusub ay qayb ka tahay adkaynta nidaamka socdaalka iyo xakamaynta dadka soo galaya deegaannadooda, ficil u muuqda lid ku ah kan Dowladda Soomaaliya ay dhaqan galisay horaantii bishaan.
Hay’adda Socdaalka Soomaaliya ayaa waxay adeegaan looga golleeyahay xakameynta dhaq-dhaqaaqa kooxaha loogu yeero argagixisada gudaha iyo dibadda dalka in looga hortago.
HBN ONLINE TV