Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in si rasmi ah loo soo afjaray colaad beeleed muddo ka taagneyd qaybo ka mid ah gobollada Awdal iyo Salel, taas oo saameyn ku yeelatay xaaladda amni iyo nololeed ee deegaankaasi.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi oo hoggaaminaya wafdi ku sugan magaalada Boorama ayaa shaaca ka qaaday go’aamada lagu soo gabagabeeyay colaadda, isagoo amaro adag duldhigay labada dihnac.
“Cidii ka hor timaada dano gaar hala haato ama si kale ha u aragtee waxaan leenahay raali ahaada, Nabaddu waa xiran tahay, waana fulaysaa. Shaqaaqadaasi si ay u dhamaato xukuuumad ahaan waxaa go’aansanay mudadeeda inaan soo afjarno oo ay ku dhamaato Arbacada soo socota (15-ka April) oo aanay wax ka dambeeya aanay jirinaynin” ayuu yiri madaxweyne Aw Cabdi.
Isaga oo sii hadlaya ayuu markale yiri “Mudadaasi dadkii qori siday ee labada reer ee walaalaha, waxaanu faraynaa oo aanu wadnaa inay meelo gaara tagaan oo loo cayimay. Ciddii mudadaasi rabta inay ciidanka ku biirtane mudadaasi ayey haysataa”
Aw Cabdi ayaa bogaadiyay salaadiinta iyo odayaasha labada dhinac ee dirirtu dhexmartay, isagoo tilmaamay inay door weyn ka qaateen dejinta xiisadda iyo hirgelinta heshiiska nabadeed ee lagu dhawaaqay.
“Salaadiinta iyo odayaasha dhaqanka labada beelood ee shaqaaqadu dhexmartay ee ku nool gobollada Awdal iyo Salel, nabaddii ay qaateen, kuwada dhawaaqeen maalmihii ina dhaafay, waana ku bogaadinayaa,” ayuu yiri Maxamed Cali Aw Cabdi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.
Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada, si looga hortago dib u soo laabashada colaadaha beelaha.
HBN ONLINE TV

