Somaliland oo si rasmi ah safaarad uga furatay magaalada Qudus : madaxweyne Cirro & Netanyahu ay kala saxiixdeen heshiisyo dhowr ah

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, ayaa maanta si rasmi ah u furay safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus ee la haysto.

Safaaraddan ayaa noqotay tii ugu horreysay ee Somaliland ay ka furato dal shisheeye tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii.
Sidoo kale, waxay noqotay safaaraddii 8-aad ee laga furo magaalada Qudus.
Dalalka hadda safaaradaha ku leh magaalada Qudus waxaa ka mid ah Mareykanka, Guatemala, Honduras, Kosovo, Papua New Guinea, Paraguay iyo Fiji.

Dalal kale oo ay ka mid yihiin Hungary, Czech Republic iyo Slovakia ayaa iyaguna xafiisyo ama laamo safaaradeed ku leh magaaladaasi.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa kala saxiixday Heshiis Iskaashi Istiraatiiji ah.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in heshiiskani uu dhidibada u taagayo xiriir istiraatiiji ah oo waara, isla markaana xoojinaya iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarinta mustaqbalka.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed