Somaliland oo si kulul uga hadashay awaamiir ka soo baxay Dowladda Soomalaiya

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay warqado kala duwan oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wax aanan la aqbali karin tahay go’aanno adagne ay ka qaadi doonto shirkadaha iyo hay’adaha amarkooda qaata Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Maxamed Xasan oo si adag uga halday warqadaha ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciddii fulisa amarkaasi waa sida hadalka uu u dhigay ay dambi ka gashay Shacabka Somaliland, ayna kula xisaabtami doonaan
“Cidda ku dhaqanta Warqada lagu qoray Muqdisho, dembi ayey ka galeen Somaliland, waana lagula xidaabtamayaa.” ayuu yiri Wasiir Cali.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in warqadaha Muqdisho aysan dhaafi doonin dhowr todobaad, isaga oo tilmaamay waa sida hadalka uu u yiriye in la soo xasuusiyey diyaaradihii lagu duqeeyey xilligii dowladdii Kacaanta.

Sida oo kale dhinacyada Mucaaradka Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeya ayaa sheegay in waxba qadiyaddooda ka beddeleyn sida ay hadalka u dhigeen waraaqaha Dawlada Soomaaliya ee loo diray shirkadaha iyo hay’adaha kala duwan ee ay quseysay.

Dawladda Soomaaliya horey ugu amartay shirkadaha diyaaradaha laga leeyahay dalalka Imaaraadka iyo Itoobiya inay saxaan qaladaad ay sheegtay inay ku jiraan boggagoda internet-ka marka tigid la goosanayo ayn tahay in magaalo kasta oo ay tagayaan ay ku daraan magaca Soomaaliya, arinkaasi oo la sheegay in shirkaduhu aqbaleen oo ay fuliyeen.

Sida oo kale xalay ayaa awaamiir ay soo saartay Dawlada Soomaaliya waxaa dul dhigtay shirkaddo iyo Xawaaladaha dalka, iyada oo ka dalbatay in ugu dambeyn ay saxaan 1-da bisha soo socota Septembar.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed