Somaliland oo si degdeg ah ugu yeertay Qunsulka Turkiga u fadhiya Hargeysa – xog culus

Xukuumadda Somaliland ayaa u yeertay Qunsulka Turkiga ee Hargeysa, iyada oo ku eedaysay in Turkigu uu Muqdisho kula shiray siyaasiyiin ay sheegtay inay wadaan falal liddi ku ah Somaliland. Talaabadan ayaa waxaa loo arkaa faragelin cad oo aan marnaba la aqbali karin, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in la xaqiijiyey warar ku saabsan kulan ka dhacay Muqdisho oo dhexmaray Safiirka Turkiga iyo shakhsi lagu sheegay inuu ku lug leeyahay falal lid ku ah sida hadalka loo dhigay amniga iyo qaranimada Somaliland.

Somaliland ayaa si rasmi ah uga dalbatay Safiirka Turkiga in uu bixiyo sharaxaad degdeg ah oo lagu qanci karo, si loo caddeeyo sababta uu ku sameeyey sida hadalka loo dhigay ficilladan faragelinta ah iyo carqaladaynta amniga.

“Somaliland waxa ay u aragtaa tallaabadan faragelin cad oo aan marnaba la aqbali karin. Somaliland waxa ay si rasmi ah uga dalbatay Safiirka Turkiga inuu bixiyo sharaxaad degdeg ah oo lagu qanci karo, kuna saabsan sababta ku keliftay ficilladan la xidhiidha faragelinta iyo carqaladaynta amniga Somaliland” ayaa lagu yiri warka Somaliland.

Wasaaradda ayaa ku adkaysay in Somaliland aanay marnaba aqbali doonin sida hadalka loo dhigay ficillo wax u dhimaya madax-bannaanideeda, amnigeeda, ama danaha qaranka, isla markaana ay ka digeyso wax kasta oo carqaladeyn kara amniga iyo madax-bannaanida dalka.

Si kastaba, war-saxaafadeedku ma shaacin siyaasiyiinta Turkiga la shiray iyo xogta waxa lagala hadlay shaqsiga aan la magacaabin ee shirka Turkiga kula yeeshay Muqdisho.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed