Maamulka Somaliland ayaa si xooggan uga falceliyay go’aankii kasoo baxay Golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS, waxayna cambaareysay waxay ugu yeertay “faragelinta” iyo hadallo ka baxsan xuduudaha iyo madaxbannaanida Somaliland.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in go’aankaas uu yahay mid aan sal iyo raad sharci lahayn, islamarkaana ujeedadiisu tahay in lagu farageliyo arrimaha gudaha ee Somaliland. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay madax-bannaanideeda ilaalinayso, isla markaana go’aamadeeda siyaasadeed iyo xiriirka caalamiga ah ay ka madax-bannaan tahay wax faragelin ah oo ka timaadda Soomaaliya.
“Go’aannada noocan oo kale ah ma beddeli doonaan xaqiiqda ah in Somaliland ay tahay dal madax-bannaan oo ay ka go’an tahay in uu horumar iyo xasilooni ku dhisto ummadda,” ayuu yiri wasiir Khadar.
Somaliland oo uu Imaaraadku ka joogo Dekedda magaalada Berbera ayaa waxaa uu weyn doonaa joojitaan istiraatiiiji ah oo gobolka ah, marka loo eego xifaaltanka Geeska Afrika.
HBN ONLINE TV

