Somaliland oo sheegtay inay qaramaysay qeyb kale oo ka mid ahaa Ciidamada Madaniga ahaa ee gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xaflad lagu qabtay magalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ku soo bandhigtay Ciidamo ka mid ahaa kuwa madaniga ah, waxaana la sheegay in lagu darayo ciidamada kale ee Somaliland.

Munaasabadan lagu Qaramaynaayey qaybtii sadexaad ee Ciidanka Madaniga iyo Gadiidkoodii dagaalka ayaa waxaa ka qeyb galay madaxaweyne ku xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayey oo jooga Gobolka Sanaag.

Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlay ciidanka ayaa ugu baaqay dhinacyada Ceerigaabo dega inay soo galaan gogosha nabadeed, lagana shaqeeyo nabadda gobolka.

Somaliland waxay sheegtay in xal loo raadi doono xiisadda ka taagan gobolka, taasi oo saameyn taban ku reebtay dadka degan, maadama ay ku soo laablaabteen dagaallo saameyn taban ku reebay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed