Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo u warramay Warbaahinta Kan ee laga leeyahay Israa’iil ayaa sheegay in Somaliland ay u diyaar tahay arrin kasta oo lagala xaajoodo iyadoo la hadal hayo qorshe Mareykanka iyo Israa’iil ku doonayaan in dadka reer Gaza loo barakiciyo Sudan, Somalia iyo Somaliland, inkastoo masuuliyiinta Washington & Talaabiib aysan si cad u xaqiijin warkaasi.
Wasiirka Arrimaha Somaliland ayaa qoraal uu qoray warbaahinta Kan wuxuu ku yiri “Way noo furantahay in aanu Cidkasta ka wada hadalno arrinkasta, balse ma rabno in aanu ka hadalno arrimaha aan weli laga wada xaajoon.
Dhammaan Dalalka Danaynaya in ay arrimo nagala hadlaan, waa in ay marka hore nala sameeyaan xiriir wada shaqayneed iyo in ay Xafiisyo Diblomaasiyadeed ka furtaan Somaliland.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “ waxa noogu muhiimsani waa in aanu helno Aqoonsi Caalami ah , iyo in dunida aanu tusno Nabadda iyo Dimuqraadiyadda Dalkayaga, dalkayagu waxa uu Xor ahaa Muddo 33 Sanno ah.
Wargeysa laga leeyahay Isra’iil ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in cid kasta oo doonaysa inay kala hadasho arrinta Falastiin ay tahay inay marka hore aqoonsato Somaliland.
Wasiirka Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Somaliland aysan meesha ka saarin suurtagalnimada inay martigeliso qaar ka mid ah dadka reer Qaza, sida ay sheegayso warbaahinta Israa’iil.
HBN OLNINE TV