Somaliland oo sheegtay inay dhaqan-galisay Siyaasadda Dal-ku-gal liddi ku ah go’aanka Dawlada Soomaaliya

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay dhaqan-galisay siyaasadda Dal-ku-galka Furan (Visa On Arrival), taasoo u sahlaysa dadka u safraya deegaannadeeda inay dal-ku-galka ka qaataan garoonka Cigaal ee Hargeysa iyo garoomada kale ee Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta ayaa lagu sheegay in siyaasaddan cusub ay ka dan leedahay fududaynta safarrada ganacsiga, dalxiiska, arrimaha bina’aadamnimada iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, waxaa lagu caddeeyay in aan Somaliland lagu soo geli karin Visa ama oggolaansho dal-ku-gal kale oo ka soo baxay meel ka baxsan Hay’addaha Socdaalka ee Somaliland, taasoo u muuqata mid liddi ku ah go’aankii hore ee dowladda Soomaaliya ee ku saabsan duulista iyo dal-ku-galka.

Dhammaan shirkadaha diyaaradaha ee ka howl-gala Somaliland ayaa lagu faray inay siyaasaddan la wadaagaan xafiisyadooda iyo rakaabka, waxaana go’aankaani uu markale muujinayaa siyaasadaha is diidan ee ka jira gudaha Soomaaliya.

Dhinka kale, Shirkadaha diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Fly Dubai ayaa dhaqan-galiyay go’aanka Dowladda Soomaaliya, iyaga oo ku wargeliyay rakaabka u safraya dalka in looga baahan yahay inay haystaan Visa sax ah ka hor duulista ama caddaymo muujinaya dukumeenti socdaal oo cadeynaya in Soomaali qof yahay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed