Somaliland oo sheegtay in Soomaaliya laga saarin Alshabaab ayaa eedeymo culus u jeedisay Puntland iyo DFS

Xukuumadda Somaliland Wasiirkeeda Warfaafinta Axmed-Yaasiin Cali Ayaanle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa maanta ayaa sheegay in meelna aanay ka soo galin kooxaha Daacish & Alshabaab, isagoo iska fogeeyey in wax cilaaqaad ah kala dhexeyo Burcad-badeedda.

Wasiirka oo hadalkiisu dhinacyo badan taabanayey ayaa eedeymo u jeediyey madaxda Puntland iyo dowldda Soomaaliya, isaga oo sheegay in Soomaaliya laga saari karin sida uu hadalka u dhigay Alshabaab, ayna tahay mashruuc, iyaguna qeyb ka aheyn.

Sidoo kale, Wasiirka oo eedeymo culus u jeediyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu xasilooni darro uu ka muujiyey sida hadalka u dhigay xiriirkii ka dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka. Waxaa uu carrabaabay in Washington la sugayo mar dhowr inay noqoto dalkii ugu horeeyey ee aqoonsada Somaliland.

Inaskta oo uu ku faahay in dalka aqoonsaday Somaliland aanu jirin, hadane waxaa uu shaaciyey in Somaliland ka badbaaday dhagaro qaraxyo ah. “kiisaskii argagixso ee soo maray Somaliland waxaa ka mid ahaa kii 2005-tii doorashaddii Baarlamaanka waxaa fashilayay nin Xamaal ahaa.” ayuu yiri Wasiir Axmed-Yaasiin.

Wahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa istaagay kadib markii guulo la taaban karo laga gaadhi waayay wadahadalo mudo soo taxnaa, iyada oo dhawaan ay soo bexeen hadalo sii kala fogeynaya dhinacyada isku fahmi la’ 30 midnimada Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed