Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed-Yaasiin Cali Ayaanle oo ka hadlay socdaalka iyo kulamada madaxweyne Cirro uu ka wado dalka Imaaraadka ayaa sheegay in guusha Somaliland ay gaadhay ay tahay sida uu hadalka u dhigay guul Soomaali oo dhan ku faani karto,ka dib markii ay ku mataleen shirka wamada Adduunka ee Abu Dubia
Wasiir Axmed-Yaasiin ayaa carrabka ku dhuftay in Somaliland ay tahay Dowlad Soomaaliyeed oo u taagan sida warka u dhigay badbaadinta magaca Soomaaliyeed.
“Waxaanu nahay dowlad Soomaaliyeed oo u taagan badbaadinta magaca Soomaaliyeed ee qaraxa, dhaca iyo Burcad badeed oo dhan lagu suntay” ayuu yiri Wasiir Axmed-Yaasiin, isagoo sii raaciyey hadalkiisa “Guusha Somaliland gaadhay waa Guul Soomaali oo dhan ku faani karto”
Sidoo kale waxaa uu ku andacooday in casuumaadda Somaliland ka heshay shirkada wadamada Caalamka ay ku lammaaneyd dhankooda in si dowlad ahaan ah uu Imaaraadku ugu casuumay, taasi oo ah hiigsi cusub oo ay gaareen.
HBN ONLINE TV