Gudoomiye gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse oo kahadlay dagaal saacadaha badan qaatay ee ka dhacay Ceerigaabo ayaa sheegay in waa sida hadalka uu u dhigaye kooxo maleeshiyaad ah ay ku soo duuleen Magaalada, kuwaa oo ka gacanta ay ku dhigeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran.
Waxaa uu sheegay in maleeshiyaadka ka dagaalamay Ceerigaabo laga soo abaabulay sida uu hadalka u dhigay Gobolka Sool.
“Qofka shacab ah ee Ceerigaabo dhexdeeda qori lagu arko, ciidanku waxaa ay u amran yihiin isaga iyo qorigaba inay qaadaan oo talaabo adag ka qaadaan, odaybaan ka daba imaan karin, walaa cid kale” ayuu yiri Gudoomiye gobolka Sanaag ugu magacaaban Somaliland Axmed
Duqa gobolka ayaa Ciidamada Somaliland ku amaanay inay ka difaaceen sida uu qabo kooxo uu tilmaamay doonayeen in ay “Qas” galiyaan nabad galyada magalada Ceerigabo.
Howlgalo kala duwan oo magaalada laga sameeyey ayuu carrababaay in Ciidamada ay ku soo qabqabteen dad badan oo uu ku tilmaamay inay cadow ku ahaayeen amaanka magalaada oo sigaar ah isha loogu hayey.
Waxaa uu intaa ku daray in magalaada ay ka dheceen wax u eg bililiqo oo lagu arkay xaafadaha Ceerigaabo, kuwaa oo lagu soo qabtay dhow iyo 20 ruux, halka in intaasi ka badane ay ku daba jiraan.
Dhinaca kale warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka SSC Khaatumo ayaa si ba’an waxaa loogu eedeeyay Somaliland inay dhibaato ku haysyo dadka u dhashay gobollada maamulkaasi oo ku sugan Ceerigaabo, arrinkaasi oo ay sheegeen in ay ka digayaan.
HBN ONLINE TV