Somaliland oo sheegtay in inka badan 500 kiis oo kufsi ah oo laga diiwaangeliyay Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Bulshada ee Somaliland ayaa shaacisay in magaalada Hargeysa laga diiwaangeliyay in ka badan 500 kiis oo kufsi ah sanadkii 2025, taasoo muujinaysa kororka tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Cabdishakuur, ayaa sheegay in tiradani ay muujinayso heerka sare ee falalka tacaddiyada ah ee ka dhacay magaalada. Wuxuu xusay in inkastoo kiisaska la diiwaangeliyay ay aad u badan yihiin, haddana dadka dambiyadaas geystay ee la horgeeyay maxkamadda ay aad u yar yihiin.

Sida uu sheegay Agaasimaha, boqolkiiba dadka la maxkamadeeyay ee lagu xukumay falalka kufsiga ahi ay ka yar yihiin 10% tirada guud ee kiisaska la diiwaangeliyay sanadkii hore.

“Waxaa hargeysa oo kaliya laga diwaan galiyey in ka badan 500 oo kiis oo kufsi ah, waxaa maxkamadda gaaray dadkii dhibatada gaystay oo maxkamad lagu xukumay boqolkiiba toban 10% waxaan gaarayn” ayuu yiri agaasime Cabdishakuur.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Bulshada ayaa sheegtay in kiisaskan intiisa badan aan lagu xallin maxkamadaha, balse loo maro habab kale oo ka baxsan nidaamka garsoorka, taas oo keentay in tiro yar oo kaliya ay cadaalad helaan.

Mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa tilmaamay in arrintan ay muujinayso baahida loo qabo in la xoojiyo la dagaallanka tacaddiyada jinsiga, isla markaana la hubiyo in dhibbanayaashu helaan cadaalad iyo ilaalin ku filan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed