Somaliland oo sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya Ciidamo ka qoranayso gudaha gobolka Sanaag

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa jeediyey fariimo si adag uu ugu dhaleeceeyey Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay wado qorshe ay ciidamo kaga qoraneyso deegaannada gobolka Sanaag, balse aanu soo bandhigin cadeyn rasmi ah oo xaqiijin karta.

Wuxuu tilmaamay wasiir Axmed isagoo hadalkiisa si wiirsi ah u dhigaya in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay sida uu hadalka u dhigay xalinta arimaha gudaha dalka, wuxuuna si gaar ah u soo qaday dagaalkii Moqokori. Wuxuu carrababay in dowladdu si adag dhaawac ugala kulantay Alshabaab.

“Ninka Moqokori ay Al Shabaab ka qabsanayso ee aan xasillin karin ammaanka Muqdisho, ayaa Sanaag ciidan u diraya – waa wax laga xishoodo. Waxaanu leenahay: cawaaqibka ka dhasha cid kula qaadan mayso ee adaa yeelan doona ” ayuu yiri wasiir Axmmed

Sidoo kale, hadalka ah in Ciidamo Dowladda Soomaaliya ay u direyso gobollada Sanaag iyo Sool ayaa waxaa si cad u beeniyey wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi, isagoo tilmaamay in hadalada la wareejinayo ay yihiin kuwa aan sal iyo raad toona laheyn.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed