Mas’uul ka tirsan Somaliland ayaa sheegtay in martigelinta saldhig militari oo Israa’iil leedahay ay tahay arrin miiska saaran, taasoo ka hor imaanaysa beenin hore oo ay jeedisay xukuumadda Hargeysa.
Mas’uul ka tirsan Somaliland ayaa warbaahinta Israa’iil u sheegtay in xiriirka ay la leeyihiin Tel Aviv uu ka mid yahay wadahadallo ku saabsan suuragalnimada in saldhig militari oo Israa’iil ah laga dhiso dhulka deegaannada istiraatijiga ah ee Somaliland.
Somaliland ayaa hore u beenisay eedeymo uga yimid Soomaaliya oo sheegayay in xiriirkaasi uu ku jiro “dib-u-dejinta Falastiiniyiin ama dhismaha saldhigyo militari oo laga hirgeliyo Somaliland.”
Hase yeeshee, telefishinka Kanaal 12 ee Israa’iil ayaa soo xigtay Deeqa Qaasim, oo ah agaasimaha waaxda siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, taasoo wareysi ay bixisay ku sheegtay in dhismaha saldhig militari uu yahay arrin la isla eegayo oo laga wada hadlayo, inkasta oo ay xustay in go’aanka kama dambaysta ah uu ku xirnaan doono nuxurka heshiis ay labada dhinac gaaraan kadib furitaanka safaarado la is dhaafsado.
Sidoo kale Deeqa lagu soo warramay inay tiri iskaashiga dhinaca ammaanka ee Somaliland iyo Israa’iil uu ka mid noqon doono la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada, isla markaana uu ku fidi-doono dhinaca amniga badda.
Wareysiga, Deeqa ayaa sidoo kale lagu sheegay inay muujisay furfurnaan ku aaddan in safaaradda Somaliland laga furo Qudus iyadoo ku tilmaantay arrintaas mid dabiici ah maadaama ay tahay caasimadda Israa’iil, waa sida ay baahisay warbaahinta Israa’iil.
Ma jiro wax war ah oo dhanka masuuliyiinta sar sar ee Somaliland ama Israa’iil ka soo baxay oo ku aadan wararkan.
HBN ONLINE TV

