Somaliland oo sharci cusub ku soo rogtay dhalinyarada u dalxiis tagta xeebaha iyo goobaha fogfog

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa soo saaray amar cusub oo la xiriira dhalinyarada u safarta goobaha dalxiiska iyo meelaha fogfog, iyagoo saraakiisha ku sugan baraha hubinta gaadiidka faray inay dadka safarka ah ka dalbaan damiin iyo xog dheeraad ah oo ku saabsan socdaalkooda.

Booliska ayaa sheegay in tallaabadan cusub looga gol leeyahay ka hortagga shilalka iyo khataraha amni ee ka dhasha safarrada dheer ee dhalinyaradu ku tagaan goobaha dalxiiska, gaar ahaan xeebta Berbera iyo deegaannada kale ee fogfog.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil, oo digniin cad u diray waalidiinta dhalay dadka meelahaasi loogu qaado gaadiidka ayaa sheegay in go’aankan uu yimid kadib markii ay kordheen safarrada dhalinyarada iyo dhibaatooyinka la xiriira waddooyinka iyo amniga goobaha qaar.

Sidoo kale, wuxuu shaaciyey in xiligan lagu jiro ay jiraan xaalado cimilo isbedel oo saameyn ku keeni karta dadka aadaya meelaha xeebaha ah, maadama kuleylka jira uu sababi karo caqabado.

Wuxuu xusay in saraakiisha ku sugan baraha kontoroolka ay si dhow ula socon doonaan gaadiidka u socda goobaha dalxiiska, si loo xaqiijiyo badqabka dadka safarka ah iyo sugidda amniga guud.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed