Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay arrima khuseya xeebaheeda, waxayna sheegtay in aanay ciidamada badda ee Turkiga ka hawlgali karin xeebaha Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud wareysi uu bixiyay, ayaa ku nuuxnuuxsaday in Somaliland ay xuquuq gaar ah u leedahay xeebaheeda, isla markaana caddeeyay in aanu Turkigu soo geli karin badda Somaliland. Wasiir Maxamuud waxa uu ku celceliyey in Somaliland ay ku kalsoon tahay in ay si madax-banaan u maamuli doonto degaanadeeda xeebaha ah.
Warkaan ayaa daba socda heshiiskii amniga badda ee ay dhawaan wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo su’aalo la iska weydiinayo dhaq-dhaqaaqyada Turkiga uu ka wado biyaha caalamku aqoosan yahay ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan kuwa Somaliland.
Geesta kale, Somaliland ayaa todobaadkii hore sheegtay inay socdaan wada-hadallo lagu dhaqan-gelinayo is-fahamka dhinaca badda ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Heshiiskan oo muran badan dhaliyay ayaa la filayaa in Itoobiya ay hesho 20 KM oo ka mid ah badda Somaliland, isla markaana ay aqoonsato madax-banaanida Somaliland, sida lagu sheegay is-af-garadkii hore.
Inkasta oo heshiiska aan weli la dhamaystirin, guddiyada farsamada ayaa si firfircoon uga shaqeynaya faahfaahinta. Heshiiskan ayaa dhaliyay khilaaf, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay mid sharci darro ah. Ururada caalamiga ah oo ay ku jiraan ururada gobolka ee ku sugan badda cas iyo midowga Yurub ayaa iyaguna muujiyay sida ay uga soo horjeedaan heshiiska la soo jeediyay.
Diidmadaas ka sokow, Somaliland waxay sheegtay inay ka go’an tahay in is-fahamka badda laga dhigo heshiis rasmi ah. Wasiirka Maaliyadda Somaliland ayaa dhawaan ku dhawaaqay faa’iidooyin dhaqaale oo muuqda, isagoo sheegay in 30% ganacsiga Itoobiya lagu wareejin karo dekedda Berbera ee Somaliland marka uu heshiiskaasi si rasmi ah u dhaqan galo.
Doodaha socda iyo mawqifyada kala duwani waxay muujinayaan dhaqdhaqaaqyada juqraafiyeed ee cakiran ee gobolka iyo caqabadaha ku xeeran heshiisyada badda iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
HBN NEWS DESK