Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa wareegto ka soo baxday waxaa uu Mushahar Kordhinta u sameeyey Ciidamada qeybahooda kala duwan.
Cirro oo tilmaamay isaga oo ka duulaya go’aankii ololihiisa ayaa sheegay in mushaarka u kordhin doono ciidamada Somaliland, kaasi oo bilaaban doono Bisha soo socota ee Febraay.
Waxaa uu intaasi ku daray in mushaar kordhintan ay ahaan doonto mid 50% ah (boqobolkiiba Konton), muddo xileedka 1-aad ee Xukuumadda, iyada oo laga duulayo Mushaharka joogtada ahaa sannad miisaaniyadeedkii 2024-ka. Ciidamada ayaa mari doono diwaanka Isha bu’deeda ah.
“In lagu sameeyo diiwaangelinta bu’da (IRIS Biometric Registration) dhammaan Ciidammada kala duwan ee Qaranka muddo soddon (30) maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa 01-02-2025” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska Afhayeenka madaxweynaha Xuseen Aadan Cige Dayr.
HBN ONLINE TV