Somaliland oo markale ka hadashay go’aankeedii ku aadanaa inay diyaar u tahay wadaxaajood arrin kasta oo aqoonsigeeda ku aadan

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay hadalkii warbaahinta maxaliga ah iyo baraha bulshada qabsaday ee ku aadanaa “in Somaliland ay furantahay in cidkasta wada hadalal kala yeelato aqoonsigeeda iyo arinta Gaza” ayaa soo saartay war kale oo sii adkeynaya go’aankeeda Ictiraaf doonka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo War kooban ku daabacay boggiisa X ayaa sheegay in hadafka Somaliland uu yahay in la aqoonsado, kuna saleysan yahay taariikhdeeda gaarka ah, isaga oo wajahaya dhaleecayno gudaha iyo dibadda ah.

Sidoo kale, waxaa uu shaaciyey in Somaliland aanay ka qeyb galin sida hadalka u dhigay wax wada-hadal ah ama heshiisyo la xiriira Falastiiniyiinta, taasi oo ku difaacayo hadalkiisii hore ee ahaa inay diyaar u yihiin Dhammaan Dalalka Danaynaya in ay arrimo kala hadlaan in marka hore ay la sameeyaan xiriir wada shaqayneed iyo in ay Xafiisyo Diblomaasiyadeed ka furtaan Somaliland.

“Somaliland kama qeyb galin wax wada-hadal ah ama heshiisyo la xiriira Falastiiniyiinta. Hadafka Somaliland ee ah in la aqoonsado wuxuu ku saleysan yahay taariikhdeeda gaarka ah, dimuqraadiyaddeeda iyo tobanaan sano oo ay isku maamuleysay si madax-bannaan” ayuu ku yiri qoraalkan uu X soo dhigay.

Warbaahinta maxaliga ah iyo tan bulshada Soomaalida ayaa si weyn loogu qaadaa dhigay wareysi uu siiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Warbaahinta Kan ee laga leeyahay Israa’iil, isagoo u sheegay in Somaliland ay u diyaar tahay arrin kasta oo lagala xaajoodo iyadoo la hadal hayo qorshe Mareykanka iyo Israa’iil ay ku doonayaan in dadka reer Gaza loogu barakiciyo Sudan, Soomaaliya iyo Somaliland, wallow masuuliyiinta Washington & Talaabiib aysan si cad u xaqiijin warkaasi.

Inkasta oo Somaliland tobanaan sano u hanqal taageyso helista rasmiga ee ah in dal loo aqoonsado, hadana ma jiro in ka badan 30 sano cid aqoonsatay, waxaase dadka arrimaha gobolka falanqeeya ay qabaan in qorshaha ictiraaf raadiska ah loo baahan yahay in loo maareeyo siyaasad ku saleysan ilaalinta qiyamka guud ee umadeed balse aan lagu saleyn laab la kac iyo arrimo halis umadeed iyo dhuleed keeni kara.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed