Somaliland ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay Mareykanka siiso fursado gaar ah oo la xiriira ka faa’iidaysiga macdanta, isla markaana ay u oggolaato saldhigyo ciidan, sida ay tabisay wakaalada wararka AFP.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa wareysi uu siiyay AFP wuxuu ku sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay Mareykanka siiso xuquuq gaar ah oo ku saabsan macdanta, isla markaana uu ka dhisan karo saldhig milatari.
“Waxaan diyaar u nahay inaan siino Mareykanka fursado macdan. Sidoo kale waxaan u furanahay inaan u oggolaanno saldhigyo milatari. Waxaan aaminsanahay inaan gaari doonno heshiis,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay leedahay macdan istaraatiiji ah, inkasta oo aan weli si buuxda loo ogaan tirada maadaama daraasado dhammaystiran aan la sameyn.
Markii la weydiiyay suurtagalnimada in saldhig milatari loo oggolaado Israa’iil, wuxuu sheegay in wax walba suurtagal yihiin, taas oo ka dhigan in Somaliland albaabka u furayso suurtagalnimada saldhig milatari oo Israa’iil leedahay.
26-kii Diseembar ee sanadkii hore, Israa’iil ayaa u aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, balse Soomaaliyia ayaa si adag uga hortimid tallaabadaas, kuna tilmaantay weerar lagu qaaday midnimadeeda iyo wadajirka dhulkeeda.
Muqdisho waxay ku boorrisay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu ka laabto aqoonsiga.
Dhanka kale, Ururka Iskaashiga Islaamka, Midowga Afrika, Midowga Yurub, iyo dalal ay ka mid tahay Turkey ayaa ka horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyagoo ku baaqay in la ixtiraamo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Ilaa hadda ma jirto wax jawaab rasmi ah oo degdeg ah oo ka timid Mareykanka ama Israa’iil oo ku saabsan hadallada Wasiir Khadar.
HBN ONLINE TV

