Somaliland oo Maraykanka kaga ashtakootay safarka Raysal Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagayo Laascaanood

Xukumadda Somaliland ayaa sheegtay in Maraykanka ay ka wada hadleen in aanu magaalada Laascaanood tagin Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, iyagoona sheegay in ay arrinta uu Maraykanku joojin doono.

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Cabdiraxmaan Aadan Bakaal oo ku sugan Dalka Maraykanka ayaa barta X waxaa uu ku sheegay in Washington uu kula hadlay socdaalka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee SSC-Khaatumo.

Bakaal ayaa carrabaabay in Maraykanka iyo Somaliland ay isla qaateen sida uu hadalkiisa ku sheegay in si degdeg ah loo joojin doono.

“Dawlada Maraykanku waxay nala qaadatay in degdeg loo joojiyo oo aanu Raysal Wasaare Xamse iman karin Laascaanood” ayuu yiri wasiir Bakaal.

Shalay, Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin oo la hadlay warbaahinta ayaa safarka Ra’iisul Wasaaraha ku macneeyay “mid colaad abuur ah”, islamarkaana uu doonayo in uu xasaradaha ka jira Soomaaliya u soo raro sida hadalka u dhigay Somaliland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed