Somaliland oo mar kale si adag u difaacday aqoonsiga ay ka heshay Israa’iil

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ka hadashay falcelinta laga bixiyay aqoonsiga ay ka heshay Israel, iyada oo su’aal gelisay doorka waxqabad iyo garab taageero ee ka imaanaya bulshada si loo helo madax-bannaani buuxda. Waxay si gaar ah u sheegtay in aragtida ah midnimada Soomaaliya aysan waxba ka tarin sida loo dhigay hadalka qaar in dadku heshiis helaan.

Wasiirka Madaxtooyadda, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in uusan dooneyn in la fogeeyo dadka Soomaaliyeed, wuxuuna guul-darro ku tilmaamay isku daygii hore ee Soomaaliya midowdo, isagoo yiri: “Intii 60-kii is raacday intii ay kala maqnayd — Soomaalidii koonfurta joogtay ee lahayd Soomaali inan isku keeno ayaan rabnaa, waxay ku guul-darreysteen , hal wanaag oo aan ugu tagno inay na tusaan.”

Wuxuu sidoo kale ku dooday “Ha soo baxo qofka Soomaaliga ah ee oranaya, halkaa wanaag baanu sameynay – noo kaalaya”, isaga oo taasi bedelkeeda sheegay in laga faafiyey afkaar aan sax ahayn, halka uu ku faanay inay Somaliland soo dhoweysay dadkii kala qeybsanaa kadib burburkii dalka.

Hadalkan ayaa imaanaya, iyada Somaliland ay u aragto aqoonsiga Israa’iil guul siyaasadeed iyo fursad iskaashi

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed