Xukuumadda Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday mamnuucida soo dejinta gawaarida gaashaaman ama xabbad-celiska ah iyo kuwa ciidanka (Qabaalka), iyada oo tallaabadan loo sababeeyay arrimo amni iyo ilaalinta nabadgalyada guud, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga.
War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda inay fasax la’aan soo dejiso gaadiidkan, iyadoo hay’adaha amniga iyo kastamyada lagu wargeliyay inay si buuxda u fuliyaan go’aankan.
“Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland waxay si rasmi ah u shaacinaysa in laga bilaabo taariikhda maanta ay mamnuucday soo dajinta Baabuurta aanay xabadu karin iyo Baabuurta Qabaalka, isla markaana aan lala soo deji karin ogolaansho la’aan ilaa amar dambe” ayaa lagu yiri bayaanka.
Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa muddooyinkii dambe kulamo ka lahayd sidii loo joojin lahaa Gaadiidka ciidanka adeegsado iyo kuwa aanay xabaddu Karin ee shakhsiyaadka iyo mas’uuliyiinta lasoo degayaan.
HBN ONLINE TV