Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ku dhawaaqay in hubka si buuxda looga mamnuucay magaalooyinka Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.
Cirro oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa sheegay in xukuumaddiisu markii ay xilka la wareegtay ay Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo kala kulantay dad hubeysan oo qoryo wata, balse maanta ay mamnuuceen in qof qori-sitaa uu gudaha u soo galo magaalooyinkaasi.
“Ceel-Afweyn iyo Ceerigaabo waxaan ugu nimid dad qoryo wada-sita, maanta qof qori sitaa lama ogola inuu soo galo,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Wuxuu sidoo kale caddeeyey Cirro in ciidamadii hubka sitay lagu daray ciidamada Somaliland, iyadoo dadaalkaas ay qeyb weyn ka qaateen madaxda dhaqanka ee deegaanka.
Dhanka kale, Madaxweyne Cirro waxa uu fariin u diray caalamka, isagoo sheegay in Somaliland aysan cidna duulaan ku ahayn, hase yeeshee cid kasta oo isku dayda inay xasiloonidooda wax u dhimto, ay ka shallayn doonto.
“Cidna duulimaad kuma nihin, laakiin ciddii ina soo doonata way ka shaleyn doontaa,” ayuu hadalkiisa ku adkeeyey.
Xukuumadda Somaliland ayaa marar badan ku celcelisay baaqyo nabadeed oo ay u dirtay qabaa’ilada gobolka Sanaag, si wadahadallo nabadeed looga hirgeliyo gobolka.
HBN ONLINE TV