Somaliland oo ku Eedeysay DFS inay Wado Qorshe “Colaad iyo Xasilooni-darro”

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa maanta si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo eedeymo waa sida hadalka uu u dhigaye colaad hurin iyo xasilooni darro ah u jeediyey Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS.

Cirro ayaa ku eedeeyay DFS inay ku foogan tahay sida uu hadalka u dhigay guluf colaadeed iyo xasilooni-darro, xilli shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin nabad iyo horumar.

“Dowladda Soomaaliya waxay ku foogan tahay in maalinba guri nabad ah guluf, colaad iyo xasilooni-darro ka abuurto. Xukuumadda Soomaaliya waxaan leeyahay dadku waxay u baahan yihiin nabad iyo horumar,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro oo dadweyne badan kula hadlayey magaalada Hargeysa.

Hadalka Madaxweynaha Somaliland ayaa yimid iyadoo xiisado siyaasadeed iyo amni ay ka taagan yihiin gudaha Soomaaliya, gaar ahaan kadib markii DFS ay toddobaadkan magaalada Laascaanood ku dhistay maamulka cusub ee Waqooyi Bari.

Fariinta Cirro ayaa sidoo kale kusoo aadaysa iyadoo wada-hadalladii u dhexeeyey Hargeysa iyo Muqdisho ay weli hakad ku jiraan, arrintaas oo sii kordhisay madmadowga siyaasadeed ee labada dhinac.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed