Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa maanta yeeshay kulan looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amniga ee ka taagan Gobollada Sool iyo Sanaag, ka dib markii ay sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS si toos ah ugu lug yeelatay faragelin ay ku tilmaameen “halis ah” oo ka dhan ah sida hadalka loo yiri madaxbannaanida Somaliland.
Shirka golaha oo uu guddoomiyay Madaxweynaha Somalialnd Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa laga soo saaray go’aamo adag oo cambaareyn iyo digniin isugu jiray, iyada oo Dawlada Soomaaliya si cad loogu eedeeyay “hurinta colaado qabiil” iyo “isku day kala qeybin” oo sida hadalka loo dhigay si gaar ah diiradda u saaray deegaanka SSC-Khaatumo.
War saxaafadeed laga soo saaray kulanka golaha oo warbaahinta uu la wadaadagay wasiirka Warfaafinta Axmed Yaasiin Sheekh ayaa yiri “Marnaba ma aqbalayno in maamulka Muqdisho ee fashilmay uu maamulo sharci daro ah & xuduud-qabiileed ka samaysto gudaheenna; waxaa naga go’an in aan wada-hadal ku soo celinno Laascaanood.”
War saxafaadeedka Golaha wasiiradda Somaliland ayaa ku eedeeyay Dawlada Soomaaliya inay si dadban u taageerayso dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya taas oo Somaliland ay u aragto in lagu xadgudbayo “madaxbanaanideeda” isla markaana waa sida warsaxaafadeedka lagu yiriin ay gobolladaasi ka tirsan yihiin dhulkeeda, inkasta oo laba sano ka hor laga saaray guud ahaan deeganadaasi.
Golaha Wasiirradu waxay sidoo kale sheegeen inay cawaaqib xumo ka dhalan karto haddii waa sida hadalka loo dhigaye“qorsheyaasha kala qeybinta iyo hurinta colaadaha qabaliga ah” ay sii socdaan. Waxayna ugu baaqeen beesha caalamka in aysan indhaha ka laaban sida hadalka loo yiri “khataraha ay siyaasadda Muqdisho ku hayso gobolka Geeska Afrika.”
Warka golaha ayaa lagu tilmaantay inay sii wadi doonto Somaliland wadahadlada ay la leedahay bulshada Sool bari, si tabashadooda loo xaliyo.
“Somaliland waxaa ka go’an dadkeeda iyo deenanadeeda Sool bari inay la gasho wadahadal lagu raadinayo xal nabadeed oo lagu soo afjaro colaadaha iyo tabashada ka jirta magaalada Laasacanaanood” ayaa lagu yiri warka golaha wasiiradda.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka SSC Khaatumo oo dhawaan u xuubsiibtay maamul goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ama dawada federaalka oo ku aadan eedeymaha ka yimid Somaliland
HBN ONLINE TV