Somaliland oo ku dhawaaqday wadahadalo Nabadeed oo xal looga gaarayo xiisadaha gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday gogol nabadeed oo loo fidiyay beelaha wada dega Sanaag, si xal waara looga gaaro colaadaha iyo xiisadaha muddooyinkii dambe ka taagnaa gobolka.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ku dhawaaqay gogoshaan nabadeed, taasoo la dhigay magaalada Ceerigaabo, isagoo sheegay in ujeedadu tahay in la mideeyo beelaha deegaanka Ceerigaabo – isla markaana la helo wada-noolaansho iyo nabad waarta.

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo uu akhariyey afhayeen Xuseen Dayr ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu si gaar ah ugu booriyay odayaasha dhaqanka ee beelaha Sanaag inay xil iska saaraan nabadeynta,

islamarkaana door muuqda ka qaataan dadaallada lagu dejinayo xiisadaha soo laabtay.
Gogoshan nabadeed ayaa timid xilli ay isa soo tarayaan baaqyada bulshada iyo ururrada rayidka ee ku aaddan in xal degdeg ah laga gaaro khilaafaadka ka dhex jira beelaha deegaanka. Xukuumaddu waxay ku sheegtay arrintan fursad dahabi ah oo lagu soo afjari karo colaado dhiig badan ku daatay.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed