Somaliland oo ka hadashay dad lagu tilmaanay “basaasiin” iyo shabakado la qabtay

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa maanta ka hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira dadaallada aqoonsi-doonka Somaliland iyo tallaabooyin amni oo laga qaaday shabakado lagu eedeeyay basaasnimo iyo falal ka dhan ah Somaliland.

Cabdalle Carab ayaa sheegay in dhammaan madaxdii soo martay Somaliland ay door muuqda ka qaateen dadaallada lagu raadinayo aqoonsi caalami ah, balse ay Somaliland la kulantay cadaawad uga timid, sida uu hadalka u dhigay, “dowlado waaweyn oo ka biyo diidan ictiraafka Somaliland”.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada Amniga Somaliland ay gacanta ku dhigeen dad uu sheegay inay soo adeegsadeen dowlado shisheeye.

“Ciidamada amniga waxay gacanta ku dhigeen shabakad la soo adeegsaday dad ka mid ah Somaliland, kuwaas oo la soo maalgaliyay, isla markaana ay ka dambeeyaan dalal shisheeye,” ayuu yiri Wasiir Cabdalle Carab, isagoo ku eedeeyay shabakaddaasi inay gacan saar la leeyihiin sida uu ku andacooday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Isaga oo ku eedeynaya dowladda Soomaaliya dadka la soo qabtay ayuu yiri “waxaa ugu horreeya Xasan Sheekha maamulla Muqdishana dhinacna u dhaafaynin. Waaka soo maalgaliyey ee koow ka ah cadowga loo adeegsaday in Somaliland gudaheeda khalkhal lagu abuuro”

Wasiirka ayaa si adag u sheegay in shabakaddaasi ay ka kooban tahay dad waa sida hadalka uu u yiriye “ducafa ka soo jeeda Somaliland” oo la adeegsanayo, kuwaas oo qaar xiran yihiin, kuwo kalena baaritaanno ku socdaan, isla markaana dhammaantood la marin doono sharciga Somaliland.

Dhanka kale, Wasiir Cabdalle Carab ayaa carrabka ku adkeeyay in hay’adaha amniga aysan ka indhaha laaban doonin cid kasta oo ka soo horjeeda Somaliland, ha noqoto mid isku soo qariya wuxuu sheegay “shaar-qabiil, mucaarad ama xisbi siyaasadeed. “Qof walba waa lala socdaa, mana jiri doonto dulqaad,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu xusay in horumarro la taaban karo laga gaaray arrimaha aqoonsiga. Waxa uu tusaale u soo qaatay in 25 qof oo ka socda Somaliland ay aqoon kororsi u tageen Israa’iil, taas oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah natiijooyinka dadaallada socda.

Tani iyo markii Israa’iil ay aqoonsatay dabayaaqadii bishii December ee sanadkii hore waxaa deegaannada Somaliland lagu xir xiray dad ka soo horjeestay aqoonsigaas oo isugu jira, Culima’udiin, dad bulshada caan ka ah iyo shakhsiyaad kale, taasi oo u muuqata in xukuumada Somaliland aysan aqbalayn in wax mucaarad ah ama su’aal la galiyo aqoonsiga iyo xiriirkeeda Israa’iil.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed