Somaliland oo isku tilmaantay mulkiilayaasha Badda-cas iyo aysan aqoonsi la’aantu xalaal ka dhigeyn in la reebo arrimaha khuseeya

Madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka hadlay xaaladda marinka Badda-Cas oo muddooyinkii ugu dambeeyay xiisadda ka taagneyda ayaa banaanka soo dhigay doorkan inay diyaar u yihiin in la soo jiito indhaha caalamka.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in aan Somalilad looga maarmin wax walba oo looga hadlayo arimaha Badda-Cas oo ay ku jiraan shirarka caalamiga ah iyo gobolka ee dhaca marin biyoodka mihiimka ah.

“Dalalka badda cas, dawladaha kulaalaya iyo quwadaha dunida ee danaynayaba, waxa aannu xasuusinaynaa in Somaliland ay ka mid tahay mulkiilayaasha ugu muhimsan badda cas, Sidaas awgeed, Aqoonsi la’aanta Somaliland, xalaal kama dhigayso in la innaga reebo arrimaha khuseeya badda cas iyo amnigeeda.” ayuu yiri Cirro.

Hadalkan Madaxwaynaha Somaliland oo uu ka jeediyey socdaal uu ku marayey xarunta ciidamada Badda Somaliland ayaa ku soo adaya iyadoo xiisada marin biyoodka ay noqotay mid faraha ka baxday, ka dib markii kooxda xuutiyiinta ay weeraro ay ku bartilmamaysanayso maraakiibta Maraykanka iyo xulafadiisa ay fuliyeen, taas oo keentay samayn xoog leh oo soo food saartay dalal badan oo caalamka ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Dhanka kale, arintaan ayaa imaaneysa xili uu burburay heshiis dhanka Badda ah oo dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, kaasi oo 11-bil ka dib uu Abiy Axmed uu sheegay in laga laabtay go’aankii hore.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed