Somaliland oo hadal adag kasoo saartay in ciidamo Turki ah ay ilaaliyaan xeebeheeda

Somaliland ayaa war kasoo saartay in ciidamo Turki ah ay ka howl geli karaan agga badaha ee Soomaaliya, ka dib markii uu Turkigu sheegay in uu xeebaha Soomaaliya uu u soo dirayo Maraakiib ilaalin doonta ammaanka dalka.
Warka ka soo baxay Somaliland ayaa si cad u diiday in Soomaaliya loo soo diro maraakiib Turkiga ka socota.

Qoraal ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa lagu yiri, “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si cad u diidaysaa in “Ciidamada Badda ee Turkiga la geeyo Aagga Badda Somaliland”.

Waxaa la sii raaciyey “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si adag u diidaysaa in la soo geliyo ciidamada badda ee Turkiga ee ku sugan dhulka Somaliland ee la aqoonsan yahay. Aagaggani waxay si cad u qeexayaan shuruucda caalamiga ah, waxayna lagama maarmaan u yihiin madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Somaliland”.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli dowladda Soomaaliya ay horraan heshiis la gashay dhiggeeda Turkiga kaas oo sheegayay in Turkigu uu ilaalinayo xeebaha Soomaaliya.
Sida oo kale Madaxweynaha Turkiga ayaa jimcihii waxaa uu qaraar u ogalaanaya ciidamada badda dalkaasi loo soo diro Soomaaliya uu u gudbiyey Baarlamaanka, inkasta oo mucaaradku sheegeen in uu halis gali karo xasiloonada dalkooda Turkiga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed