Somaliland oo falcelin ka bixisay cambaareyn xooggan oo ka timid dalal badan

Xukuumadda Somaliland ayaa falcelin xooggan iyo walaac ka muujisay war-saxaafadeedyo ay soo saaareen dalal badan iyo Ururo, kaas oo si adag u cambaareeyay una diiday safiirka cusub ee Israa’iil ay u magacowday Somaliland, islamarkaana lagu ilaalinayo midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ay OIC soo saartay ayaa lagu xusay in ururku si cad u muujinayo diidmada aqoonsiga Israa’iil ee  Somaliland.

Dalalka iyo ururrada kale ee taageeray Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Sacuudi Carabiya, Qatar, Masar, Suudaan, Liibiya, Bangladesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkiga, Indonesia, Pakistan, Kuwait, Mauritania, Urdun, Cumaan, Lubnaan, Yemen, Ukraine, Serbia, Ururada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.

Dhanka kale, Somaliland ayaa ku doodaysa inay tahay dal madax-bannaan oo ku dhisan sii jiritaanka dowladnimo, iyadoo tixraacaysa xorriyaddii ay qaadatay sida ay hadalka u dhigtay 1960-kii iyo dib u sheegashadii madaxbannaanideeda ee 1991-kii. Waxay sidoo kale sheegtay in xiriirrada ay la leedahay beesha caalamka ay waafaqsan yihiin sharciga caalamiga ah, isla markaana aysan waxyeello u geysanayn madaxbannaanida dal kale.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa ugu dambeyn ku baaqday in la aqoonsado xaaladdeeda oo ah xaq sharci iyo mid dhab ah, iyadoo ku adkeysatay in arrintan ay muhiim u tahay xasilloonida iyo nabadda mustaqbalka ee Geeska Afrika.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed