Somaliland oo dil toogasho ah ku xukuntay Askari qof ku dilay Berbera

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday xukun dil toogasho ah oo lagu riday Maxamed Maxamuud Diiriye oo hore uga tirsanaa ciidamada Somaliland, kadib markii lagu helay dambiga dilka gabar da’yar oo ka dhacay magaalada Berbera.

Eedeysanaha oo 26 jir ah ayaa la xaqiijiyey inuu 7-dii August 2025 gudaha magaalada Berbera ku dilay marxuumad Hibaaq Cabdillaahi Cilmi, xilli ay saarneyd bas rakaab ah.

Xaakimka maxkamadda, oo faahfaahin ka bixiyay kiiska, ayaa sheegay in caddaymaha iyo markhaatiga goob-joogayaasha ay si cad u muujinayaan in dable hore Maxamed Maxamuud Diiriye uu ahaa qofkii geystay dilka. Sidaa awgeed, maxkamaddu waxay ku xukuntay dil toogasho.

“Maxkamaddu waxay ku xukuntay dambiile Ex askari ciidan qaran dable Maxamed Maxamuud Diiriye, 26 jir ah dil toogasho ah” ayaa lagu warka Maxkamadda Ciidamada Somaliland.

Sidoo kale, Garsoorka ayaa ku wargeliyay qoysaska marxuumadda iyo eedeysanaha in ay u furan tahay in ay racfaan ka qaataan xukunka. Qoyska eedeysanaha ayaa isla goobta kaga dhawaaqay in ay racfaan qaadanayaan, iyadoo xaakimkuna ku adkeeyay in qareennada u gudbiyaan xogta racfaanka.

Dhacdadan ayaa ka mid ah kiisaska dilalka ee si dhakhso ah loogu soo gabagabeeyo maxkamadaha ciidamada Somaliland, iyadoo loo arko mid tusaale u ah sida degdegga ah ee loo maro geeddi-socodka cadaaladda marka ay ku lug leeyihiin saraakiil ama askar ciidan ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed