Taliska Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa maanta soo saaray digniin culus oo ku saabsan xaaladda cimilada ee ka taagan xeebaha Soomaaliya, taas oo saameyn karta kaluumaysatada, dalxiisayaasha iyo guud ahaan dadka isticmaala ama ku dhow biyaha badda.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska howlgalinta ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha ayaa lagu sheegay in dabaylo xooggan iyo mowjado sare laga filayo dhammaan xeebaha Somaliland.
Saadaasha cimilada ayaa tilmaamtay in xawaaraha dabaylaha uu gaarayo inta u dhaxaysa 14km saacadii ilaa 45km, halka mowjadaha badda ay kor u kacayaan ilaa 1.9 mitir.
Sidoo kale, waxa la sheegay in heerkulka Bariga uu gaari karo ilaa 41°C, taasoo ah heer kul aad u sarreeya oo culeys saari karo nolosha dadka ku sugan meelaha xeebaha ah.
Ciidanka Ilaalada Xeebaha ayaa digniin adag u diray kaluumaysatada, dalxiisayaasha iyo dhammaan bulshada, iyagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan howlaha badda muddada xaaladdan adag ay jirto, si looga hortago khataro halis ah oo ka dhasha cimilada adag, balse laguma sheegin inta digniintaan socon doonto.
Horay dowladda Soomaaliya sheegtay inay bad-xiran ay gali doonaan xeebaha dalka ilaa bartamaha bisha September ee sanadkan.
HBN ONLINE TV