Somaliland oo “colaad hurin” ku tilmaamtay safarka Ra’isalwasaare Xamsa ee Laascaanood

Xukuumadda Somaliland ayaa ka digtay safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku tagayo magaalada Laascaanood, iyadoo sheegtay in magaaladaasi waa sida hadalka loo dhigaye ay ka mid tahay dhulkeeda, isla markaana aanay ogolaan doonin in Xamse Cabdi Barre yimaado, inkastoo la ogsoon yahay in magaalada Laascaanood uu gacanta ku hayo maamulka SSC Khaatumo.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo la hadlay warbaahinta ayaa safarka Ra’iisul Wasaaraha ku macneeyay “mid colaad abuur ah”, islamarkaana uu doonayo in uu xasaradaha ka jira Soomaaliya u soo raro sida hadalka u dhigay Somaliland.

“Wax kasta oo ay nagu qaadato, waxa naga go’an in aan difaacno qaranimadeenna iyo xuduudahayaga. Nabadda raadinteedu tabar-darro nagama aha. Waxaa naga go’an fitnada aad abuurayso in aan xoog iyo xeeladba kaga hortagno,” ayuu yiri Wasiir Ayaanle.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu wax aan suuragal ahayn ku tilmaamay qorshaha ay sheegtay dowladda Soomaaliya ee ah in doorasho qof iyo cod ah laga qabto deegaano ka tirsan Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, isaga oo sheegay in doorasho laga qaban karo oo keliya deegaan nabdoon, isla markaana aanu sugnayn amniga deegaanadaas.

Waxaa uu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in aanu tegi karin maamulada Puntland iyo Jubbaland oo uu si gaar ah u matalo, isla markaana halkii uu xal uga raadin lahaa colaadaha ka taagan dhulkaas uu doonayo sida warka u dhigay inuu xasarad kale la yimaado Sool.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu safar ku tagayo magaalada Laascaanood, kaasi oo uu ku tilmaamay mid lagu xoojinayo midnimada Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed