Somaliland oo codsi ka dhan ah dowladda Soomaaliya u dirtay deeqbixiyaasha caalamiga ah

Somaliland ayaa codsi rasmi ah u dirtay deeq bixiyayaasha caalamiga ah, iyadoo ka codsatay inay deeqaha si toos ah ugu soo diraan halkii ay usoo marin laheyd dawladda Soomaaliya. Codsigan ayaa lagu sheegay warqad tafatiran oo ka soo baxday Wasaaradda Qorshaynta Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Axmed Maxamed Diiriye (Toorno).

Warqaddu waxa ay xoogga saaraysaa in si toos ah loola shaqeeyo maamulka Somaliland iyada oo la raacayo hab-maamuuska deeq-bixiyayaasha caalamiga ah. “Waan aqoonsannahay oo aan qadarinaynaa taageerada joogtada ah ee la-hawlgalayaasheena, waxan hoosta ka xariiqeynaa baahida muhiimka ah ee isdhexgalka tooska ah iyada oo loo marayo kanaalada rasmiga ah, taas oo la socota tilmaamaha gargaarka caalamiga ah’ ” ayaa lagu yiri,

Waraaqaha Wasiir Diiriye waxa kale oo lagu sheegay in deeqaha caalamiga ahi ay noqdaan kuwo dhexdhexaad ah oo aanay saamayn ku yeelan khilaafyada siyaasadeed. Waa inay diiradda saarto horumarinta wanaagga dhammaan shakhsiyaadka, oo ay ku jiraan kooxaha nugul, iyada oo aan loo eegin siyaasadahooda.

Inkasta oo aanu jirin aqoonsi diblomaasiyadeed oo rasmi ah, haddana warqaddu waxa ay tilmaamaysaa in dawlado badan  oo aan la aqoonsanayn ay ku guulaysteen in ay mucaawinooyin ku helaan nidaamyo gaar ah.

Si kastaba, Somaliland deeqa ay ka hesho caalamka waxaa loo soo mariyaa dowladd dhexe ee Soomaaliya, isla markaana hadda waxaa ay dooneysaa in si gaar ah ama toos ah loo soo siiyo deeqaha, bal suaashu waxay tahay miyey deeqbixyaashu aqbali doonaan codsiga Somaliland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed