Somaliland oo cadaysay ujeeddada heshiiska ay la gashay Puntland

Xukuumadda Somaliland ayaa xog dheeraad ah ka bixisay heshiiskii ay dhawaan la gashay maamulka Puntland, kaasi oo ay mas’uuliyiin labada dhinac ka kala socday ku kala saxiixdeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Heshiiskan ayaa lagu sheegay mid lagu adkaynayo iskaashiga amniga iyo ganacsiga ee u dhexeeya labada dhinac.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf, oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in aanay tani ahayn markii ugu horraysay ee Somaliland iyo Puntland ay heshiis wada gaaraan, isagoo xusay in xukuumadihii hore ee Axmed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Faroole ay horey u saxiixeen heshiisyo la xiriira amniga iyo wada-shaqeynta.

Wasiirku wuxuu si gaar ah u faahfaahiyey ujeeddada rasmiga ah ee heshiiska cusub, isagoo sheegay in uu salka ku hayo iskaashi lagu xoojinayo amniga xadka Woqooyi-bari, halkaas oo khilaaf siyaasadeed uu ka dhaxeeyo Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo maamulka ka dhistay.

Isagoo arrinta sharxaya, Wasiirka ayaa uu yiri: “Somaliland waxay ku dhisan tahay xadkii Ingiriiska, Puntland-na waa maamul ka tirsan DFS. Waxaan meesha ka saaraynaa xuduudaha la sameeyey sida maamulkaas [Woqooyi-bari] oo iyana aysan oggolayn anana aanan oggolayn, waana halka cadowga maxalliga ah iyo kan caalamiga ah laga sifaynayo oo aan isu kaashanayno.”

Hadalka Wasiirka ayaa muujinaya in labada maamul ay doonayaan in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan, iyadoo heshiiskan uu noqonayo mid liddi ku ah maamulka cusub ee Waqooyi Bari, kaasi oo dhinacyadu si toos ah iyo si dadbanba u diideen inuu wax lug ahmiyad ah ku yeesho gobolka.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha Soomaaliya, iyadoo la filayo in uu yeesho saamayn siyaasadeed iyo amni oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya Somaliland, Puntland oo dhac ah iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Waqooyi Bari oo dhanka kale ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed