Xukuumadda Somaliland ayaa caawa ku dhawaaqday bandow habeenkii ah oo laga dhaqan geliyay magaalada Ceerigaabo, iyadoo la joojiyay isu socodka gaadiidka gudaha magaalada laga bilaabo lixda fiidnimo ee caawa.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Muuse, ayaa sheegay in bandowgu uu socon doono ilaa amar dambe, isla markaana uu garayo in ka badan 48 saacadood. Wuxuu dadka leh gaadiidka ku amray inay baabuurtooda dhigaan meelaha munaasibka ah, maadaama aan la ogolaan doonin dhaqdhaqaaq habeenkii ah.
Hay’addaha ammaanka Somaliland ayaa ku booriyey Ciidamada kala duwan inay fuliyaan go’aankan, lana dhaqan galiyo.
“Laga bilaabo lixda caawa ilaa amar dambe inaan la arki karin socodka gaadiidka Ceerigaabo. Bandowga beri sidiisuu u socon doonaa, saadambe wuu sii socon doonaa,” ayuu yiri Guddoomiye Axmed Cabdi Muuse.
Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli la filayo in Madaxweynaha Somaliland uu safar ku tago magaalada Ceerigaabo, taas oo keentay in la adkeeyo amniga guud iyo waddooyinka waaweyn ee magaalada.
Saraakiisha amniga ayaa shacabka ugu baaqay in ay u hoggaansamaan amarka cusub, iyagoo tilmaamay in tallaabadani tahay mid ku-meel-gaar ah oo lagu sugayo xasilloonida Ceerigaabo inta lagu jiro booqashada madaxweynaha oo gobolka si weyn looga dareemayo.
HBN ONLINE TV