Somaliland ayaa buuxisay kursi ka bannaanaa Golaha Guurtidda, kadib markii maanta loo dhaariyey xubin cusub oo ka mid noqonaysa golahaas.
Xamse Maxamed Nuur Suugaal oo buuxiyey jagadii ka bannaanaatay Golaha Guurtidda, uuna ka geeriyooday aabihiis ayaa waxaa dhaariyey ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare ee Somaliland, Maxamed Cumar Geelle.
Marxuum Xildhibaan Maxamed Nuur Suugaal oo dhamaadkii sanadkii hore ku geeriyooday Itoobiya, waxaana arrinta dhaarinta xubinta cusub ka horreeyey codsi rasmi ah oo Guddoomiyaha Golaha Guurtiddu u gudbiyey Maxkamadda Sare si xilkaasi loo dhaariyo.
Dhaarinta kaddib, Xamse Maxamed Nuur Suugaal ayaa si rasmi ah uga mid noqday mudanayaasha Golaha Guurtidda Somaliland, isagoo la filayo inuu ka qayb qaato hawlaha sharci-dejin iyo talo-bixineed ee golaha.
HBN ONLINE TV

