Somaliland ayaa sheegtay in beesha caalamka gaarahaan wakiillada ku sugan Hargeysa ay ku war geliyeen khilaafka taagan ee ku saabsan hawad una dhaxeeya Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya kaas oo saameyn ku yeeshay dadka dunida kale ka imaanaya ee lagu xiray E-Visaha ay Soomaaliya hirgalisay.
Guddi wasiirro ah oo arrintaan uu u saaray madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo maanta shir jar’aaid ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in wakiillada beesha caalamka ee ay la kulmeen ay la wadaageen halka xaal marayo iyo in Somaliland aanu quseyn barnaamijka E-visaha Soomaaliya.
Somaliland ayaa ku adkeysanaysa in ay si gaar ah ula macaamilayaan dadka tagaya deegaannadooda oo aanay wax shaqo ah ku laheyn howsha iyo barnaamijka E-visaha.
Sidoo kale, xukuumadda Hargeysa ayaa ku eedeysay dowladda federaalka ah in ay ka xuntahay sida hadalka u dhigtay horumarka ay Somaliland hiigasanayso oo ay sidaa ula dagaallamayso.
Dhanka kale guddigan ayaa sheegay in diyaaradaha isticmaala hawada Somaliland ay intooda badan aqbaleen amarradii ay soo saareen ee ahaa in aan loo hoggaamsamin nidaamka E-Visaha ee Soomaaliya, iyagoo intaa ku daray in diyaaraddii ka hortimaaddana laga laga leexinayo hawada.
HBN ONLINE TV

