Somaliland oo bandow ku soo rogtay magaalada Ceerigaabo

Somaliland ayaa bandow xilliga habeenkii ah ku soo rogay magaalada Ceeri-gaabo ee gobolka Sanaag oo maalmihii la soo dhaafay xiisad dad ku dhinteen ay ka taagneyd.

Guddida Nabadgelyada Gobolka Sanaag ayaa go’aamo kala duwan oo ay soo saareen waxaa kamid ahaa in la joojiyay isku socodka gaadiidka magaalada wixii ka billaawda 4-ta galabnimo ilaa 7-da subaxnimo.

Gudigga ayaa arintan ku sheegtay in ay tahay nabad ku soo dabaalidda magaalda ceerigaabo, waxaana guddigu ka koobnaa waxgaradka, odayaasha iyo taliska ciidamada Somaliland.

Go’aankaas waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse oo warbaahinta la hadlay, iyada oo saraakiisha amniga iyo qaar ka mid ah odayaasha deegaanka ay la fadhiyaan. Ciidankana waxaa la faray in aysan kaxaysan gaadiid gaar ah.

Waxa la soo wariyey ku dhawaad 10 ruux in ay ku dhinteen dagaalo ka dhacay deegaano duleedka ka ah magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, iyada oo dhinacyada dagaalama loogu baaqay in ay joojiyaan dagaalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed