Maamulka Somaliland ayaa soo dhoweyey baaqii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee maanta uu u jeediyey dhinacyada isku haaya Nabadda magaalada Ceerigaabo iyo xaaladda ka jirta gobolka.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Somaliland Axmed Cabdi Muuse oo warbaahinta wax ka waydiisay baaqa Nabadda Ceerigaabo ayaa sheegay inuu ka Somaliland ahaan uu soo dhaweynayo hadalka Deni ee ah “Nabad kuwada noolaanshaha” gobolka.
“Waxaa aan soo dhoweynayaa nabadda Deni ku baaqay iyo in lagu wada noolaado heshiiskii 4 biloodka Ceerigaabo iyo hoosta calanka Somaliland” ayuu yiri Guddoomiyaha Somaliland ee gobolka Sanaag Axmed.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa beeniyey in aanay waxba ka jirin in Ciidamo madani ah ay ku jiraan gudaha magaalada Ceerigaabo, balse waxaa uu ku andacooday in ciidamada ay kaalin ka qaateen nabadda magaalada ka jirta.
Madaxweynaha Puntland oo maanta khudbad uu u jeedinayey Ciidamada maamulkaasi ku sheegay in Nabad ugu baaqay dadka Ceerigaabo in dib ay u fiiriyaan xaaladda gobolka.
“Waxa aan nabad ugu baaqayaa reer Ceerigaabo oo Somaliland iyo Puntland ay nabad ku wada joogeen, isbeddelkii ka dhacay Somaliland waxa aan leeyahay dib u fiiriya xaaladda, cadowga aan leenahay waa AS iyo IS.” ayuu yiri Mdaxweyne Deni.
Gobolka waxaa ku sugan wafdi heer wasiirro ah oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland kuwaa oo la sheegay inay Sanaag u tageen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen in xal loo Amniga iyo dagaallada ku soo laablaabtay.
HBN ONLINE TV