Somaliland iyo Imaaraatka Carabta oo ka wada hadlay iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ku sugan Imaaraatka Carabta, ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne Ku Xigeenka ahna Raysal Wasaaraha Imaaraatka Carabta, Sheikh Mohammed Bin Rashid Al Maktoum, kaas oo ay kaga wada hadleen iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga.

Sida lagu sheegay war saxaafadeedka, Madaxweynaha Somaliland ayaa Dawladda Imaaraatka Carabta kala hadlay iskaashiga dhinaca amniga, gaar ahaan amniga Badda Cas, oo dhawaanahan ay waxyeello u geysteen Xuutiyiinta Yemen.

“Wuxuu kala hadlay arrimaha iskaashiga dhaqaalaha, maalgashiga, iyo wada-shaqaynta xasilloonida gobolka. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Dawladda Imaaraatka ka codsaday in ay Somaliland ka taageerto dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka Somaliland.

Bayaanka ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu uga mahadceliyey Dawladda Imaaraatka Carabta marti-qaadka rasmiga ah iyo maamuuska sare ee loo fidiyey shirka Caalamiga ah ee Kulanka Dawladaha Adduunka.

Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa Madaxweynaha Somaliland ku marti-qaaday ka qaybgalka Shirka Dawladaha Adduunka, oo maalintii labaad ka socda Dubai. Madaxweynaha Somaliland ayaa shirka ka sheegay in Somaliland ay doonayso inay la macaamisho adduunka oo dhan, aqoonsi raadinta iyo kobcinta dhaqaalaha.

Safarkan waa kii labaad ee muddo bil ka yar uu Madaxweyne Cirro ku tago Imaaraatka Carabta. Imaaraatka oo ah maalgashadaha ugu weyn ee Somaliland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed