Taliyaha guud ee Ciidammada Somaliland, Sareeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa kulan la qaatay taliaha ciidamada dalka Itoobiya, kadib kulan lagu qabtay gudaha magaalada Addis Ababa oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga iyo sidii labada dhinac ay si wadajir ah uga shaqeyn lahaayeen ilaalinta nabadgelyada xadka dheer ee u dhexeeya.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda xiriir dhow iyo wada shaqeyn joogto ah, gaar ahaan la dagaalanka khataraha amni ee gobolka iyo xasilinta deegaannada xuduudaha ah.
Kulanka ayaa lagu muujiyey ka go’naan adag iyo ballanqaadyo cusub oo labada dhinac ay ka yeesheen iskaashi amni iyo mid istiraatiiji ah, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Is aragaan ayaa wuxuu ka qeyb yahay safarka madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro uu ku joogo caasimadda Itoobiya, halkaasi oo uu wadahadalo kula yeelanayo madaxda sare ee Addis Ababa, iyadoo aanay wax natiijo ah kasoo bixin gundhigga is aragooda.
HBN ONLINE TV