SoDMA oo ka digtay roobab, fatahaado iyo dabeylo xooggan inay ku dhufan doonaan Soomaaliya bilaha soo socda

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) ayaa soo saartay digniin ku saabsan xilliga roobabka Deyrta ee la filayo inuu dalka qeybo badan oo ka mid ah ka dhamaadka sanakdan, iyadoo saadaasha cimiladu muujinayso suuragalnimo sare oo ah in roobab ka badan celceliska ay da’aan, taas oo kordhin karta khatarta fatahaadaha.

War saxaafadeed ay soo saartay SoDMA waxay ku sheegtay in bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya laga filayo roobab xooggan bilaha Oktoobar, Nofeembar iyo Diseembar, taasi oo meelaha qaar ay heli karaan in ka badan 400 millimitir. Xaaladaha El Niño iyo isbeddelka Badweynta Hindiya ayaa la filayaa inay kordhiyaan roobabka culus, fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle iyo daadadka degdega ah ee ka dhici kara magaalooyinka iyo miyiga.

Hay’addu waxay xustay in roobabku faa’iido u yeelan karaan helitaanka biyaha, daaqa, wax-soo-saarka beeraha iyo xaaladda xoolaha, balse tilmaantay inay sababi karaan fatahaado, barakac, dhimasho, burburka kaabayaasha, dalagyada iyo xoolaha, cudurro dillaaca iyo hakad ku yimaada adeegyada muhiimka ah.

SoDMA ayaa dowladda, dowlad-goboleedyada, hay’adaha samafalka iyo bulshada ugu baaqday inay xoojiyaan diyaar-garowga, qorshayaasha gurmadka, kaydka agabka degdegga ah, diyaar-garowga daad-gureynta iyo la socodka xaaladaha cimilada iyo heerarka wabiyada. Hay’addu waxay sheegtay inay si joogto ah u bixin doonto digniino ku saabsan xaaladda cimilada inta lagu jiro xilliga Deyrta.

HBN ONILNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed