Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf jibriil iyo ergo matalaysay gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa gaaray maanta magaalada Laascaanood, halkaas oo uu tobanka bisha ka furmidoono shirweynaha dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.
Wafdiga maanta gaaray Laasacaanood waxaa si weyn u soo dhaweeyey Hoggaamiyaha maamulka Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye). Weftiga waxaa ka mid ah Cabdirashiid Yuusuf Guddoomiye oo la rumeysan yahay in aragtidiisu u janjeerto taageerada maamulka SSC-Khaatumo. Waxaa socdaalka ku wehlinayay xubno kale oo isugu jira siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Sanaag.
Mas’uuliyiintan ayaa lagu wadaa inay magaalada Laascaanood kula yeeshaan kulammo muhiim ah madaxda SSC-Khaatumo, iyaga oo looga hadlayo arrimo la xiriira dhismaha rasmiga ah ee maamulka, qaab-dhismeedkiisa siyaasadeed, iyo doorka beelaha deegaanka ee mustaqbalka maamulka.
Socdaalkan ayaa imaanaya xilli uu socda dadaal ballaaran oo lagu mideynayo taageerada bulshada deegaanka ee ku aaddan hirgelinta maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo la filayo in xubno kale oo heer federaal iyo maamul goboleed ah ay sidoo kale ka soo qaybgalaan gogosha dhismaha maamulka.
Arintaan waxaa si isku mid ah ugu soo horjeeda madaxda Puntland iyo Somaliland, si weyn ugu eedeeyey Dowladda Federaalka inay faragalin ku heyso sida hadalka ay u dhigeen arimaha meeqaamka siyaasadeed gobolka.
Xubnaha maanta gaaray Laasacaanood oo gobolka Sanaag kaga dhawaaqay aragti tan SSC-Khaatumo ah ayaa loo arkaa mid sii xoojinaysa dadaallada siyaasadeed ee helitaanka aqoonsi iyo taageero buuxda oo ka timaada gudaha iyo dibadda dalka.
HBN ONLINE TV