Siyaasiyiinta Somaliland oo si kulul uga hor yimid socdaalka Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaanood

Xubno ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa si adag uga hadlay safarka la filayo in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre uu ku gaaro magaalada Laascaanood ee maamulka SSC-Khaatumo iyagoo muujiyay inay ka soo horjeestay, isla markaana qaarkood ya jeediyaan hadallo caro iyo hanjabaad isugu jira.

Qaar ka mid ah xildhibaannada Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka digay booqashada Ra’iisul Wasaaraha Xamsa, waxayna carrabaabeen in Laascaanood ay ka mid tahay waa sida ay hadalka u dhigeene Somaliland, isla markaana aanu tegi karin, inkasta oo la ogsoon yahay in Somaliland aysan hadda ka talin deegannadaas oo hadda ay xarun u tahay maamulka ku meelgaarka ah ee SSC-Khaatumo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Shaadh oo ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland ayaa ku goodiyay inay ka hortegayaan safarkaasi, iyaga qaadaya tallaabo ka dhan ah Xamsa, isaga oo tilmaamay inay xabad ka soo horreyso.

“Raysal wasaaraha Soomaliya Xamsa xabad baa kaga soo horaysa Laascaanood, haddaa timaadid dib ugu noqon maysid halka aad ka timid” ayuu yiri Xildhibaan Shaadh.

Xildhibaan Mustafe Khayreeye oo sheegay inuu yahay xildhibaanka Somaliland ee Laasacaanood laga soo doorto ayaa tilmaamay in si ficil ah uga jawaabi doonaan safarkaasi, maadama uu yahay sida uu warka u dhigay mid daandaansi ah.

Sidoo kale, Xildhibaanada kale ee hadlay oo iyagune si kulul uga hor yimid safarka Xamsa ayaa sheegay in sinaba aanay ku dhici doonin sida ay qabaan inuu qeyb ka mid ah yimaado masuul ka socda Soomaaliya.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre oo sheegay inuu tagi doono deegaannada maamulka SSC-Khaatumo ayaa tilmaamay in socdaalkiisu uusan wax u dhibi doonin maamul Soomaaliyeed, balse uu ahaan doono mid faa’iido badan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed