Siyaasiyiinta mucaaradka oo ka falceliyay xarig Booliiska Soomaaliya u gaystay oday dhaqameed

Madasha Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ayaa si adag u cambaareysay xarigga ciidamada Booliiska Soomaaliya ay u gayteen Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud Xaadoole, kaas oo sida la tilmaamay laga soo afduubtay hoygiisa, iyaga oo sheegay inuu yahay mid sharci-darro ah.

Madasha ayaa sheegtay in Nabaddoon Xaadoole uu ahaa sida hadalka u dhigeen oday dhaqameed saameyn ku leh bulshada, isla markaana uu ku difaacayay hantida shacabka codkiisa iyo xuquuqdiisa dastuuriga ah.

“Xariga Nabadoo Xaadoole waa isku day lagu caburinayo codka shacabka, laguna handadayo qof kasta oo u taagan xuquuqdiisa dastuuriga ah” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay madasha.

Dhanka kale, Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isna si kulul uga hadlay xarigga Nabaddoon Xaadoole, isagoo sheegay in arrintani ay muujineyso sida loo adeegsanayo hay’adaha amniga wax uu ku tilmaamay “dano siyaasadeed oo gaar ah”.

“xarigga iyo tacaddiga loo geystay Nabaddoon Xuseen Xaadoole waxaa muuqata in uu yahay isku day lagu caburinayo codka shacabka iyo waxgaradka” ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ayaa intaas ku daray in ficillada noocan ahi ay khatar ku yihiin xasiloonida dalka, ayna horseedi karaan sida uu qabo kacdoon dadweyne haddii aan si degdeg ah loo joojin.

Waxyaabaha taliska Booliska Soomaaliya ay ku eedeeyeey Nabaddoonka ayaa lagu yiri “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Saldhigga Xamar Weyne, ayaa soo xiray Eedeysane Xuseen Maxamed Maxamuud, kaas oo ku kacay falal iskugu jira qalqalgalin Amni iyo Aflagaado Madaxeed, waxaana la horgeyndoonaa Maxkammadda Awooda uleh”.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed