Siyaasiyiinta Mucaaradka oo DFS ku eedeeyay caburin iyo xarigyo sharci darro ah

Siyaasiyiin mucaarad ah oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay waddo qorshe lagu caburinayo dhalinyarada iyo dadka mucaaradka ah. Siyaasiyiinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay kordhiyeen xarigga iyo weerarrada habeenkii lagu qaado sida ay ku doodeen guryaha shacabka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in jidgooyooyinka tirada badan ee lagu soo kordhiyay waddooyinka Muqdisho aan loogu talagelin amniga, balse looga faa’iideysto arimo gaar ah dhib ku ah shacabka iyo ganacsatada.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhankiisa ku eedeeyay ciidamada ammaanka inay habeenkii saqdhexe u dhacaan sida uu ku dooday guryaha dadka, iyagoo ku andacoonaya xaqiijin amni. Wuxuu sheegay in lagu tacadiyo shacabka.

Cabdiraxmaaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay inay dhawaan shaacin doonaan liis ay ku jiraan sida uu carrabaabay saraakiil lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin caburinta dhalinyarada iyo mucaaradka. Wuxuu intaas ku daray in xogtaasi lala wadaagi doono beesha caalamka.

Hadaladan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan eedeymaha la xiriira xaaladda amniga iyo khilaafka siyaasadeed ee ka jira Muqdisho, iyadoo dowladda Federaalka aysan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha mucaaradka.

HBN ONLIN TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed